Waxaan dhawaan kulan yeeshay golaha Marjaca Beesha
Sacad iyo xubnaha ka tirsan Ururka Hormarinta iyo Mideynta Dhalinyaradda
Sacad
Maalin axad ah taariikhdu ay ku beegneed 3/9/2007 ayaa dhalinyaro ka socota ururka dhalinyaradda beesha sacad, waxa ay kulan la yeesheen golaha marjaca beesha sacad kaasoo ka dhacay magaaladda muqdisho.

Kulankaan oo ay labadda dhinac oo ay iskugu yimaadeen ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha golaha marjaca meesha sacad Prof: Mohamed faraha jimcaale wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyey dhalinyaradda mataleysa ururka hormarinta iyo mideynta dhalinyaradda sacad ee kulankaas ka soo qeyb gashay.
Prof wuxuuna ku dhiirigeliyey dhalinyaraddaas in ay sidda geesinimadda leh iyo xiliga adag ee uu ku jiro dalka ay u istaageen sidii ay waxa ugu qaban lahaayeen dhibaatooyinka iyo daruufaha adage e xiligaan heysta dhalinyaradda beesha sacad,isla markaana loo mideyn lahaa dhammaan dhalinyaradda meesha meel walba oo ay ku sugan yihiin aysana ka qeyb qaadaan dib u dhiska dhalinyaradda beesha sacad, haddii aan dhalinyarado jirin hormar ka jiro karo hadaba aniga oo ku hadlaayo magaca golaha marjaca meesha sacad waxaan bogaadineynaa hormarka iyo isku keenida ay ku tilaabsadeen dhalinyaradda beesha sacad.
Prof : Maxamed farax jimcaale wuxuu dhanka kale u sheegay dhalinyaraddii kulankaas ka soo qeyb gashay dhowr qodob waxaana ka mid ah
In uu golaha marjaca beesha sacad uu aqoonsan yahay ururka dhalinyaradda beesha sacad.
In uu dhalinyaraddu beesha sacad ay kuraas ku yeeshaan ama xubno joogta ah ku yeelan karaan golaha marjaca.
In dhalinyaraddu u madax banana yihiin howla howda gaarka ah.
In golaha marjacu ay la shaqeynayaan ururka hormarinta iyo mideynta dhalinyaradda sacad, isla markaana ay aamisan yihiin in uu ururkaani uu yahay ururka kaliya ee matala kuna mideysan yihiin dhalinyaradda beesha sacad.
Hadaba dadka kale ee ka hadlay shirkaas waxaa ka mid ahaa marwo Maryan Xasan fanax, iyo guddoomiyaha ururka dhalinyaradda beesha sacad, waxa ay labadooduba ay hoosta ka xariiqeyn sidii ay muhiim u tahay sidii loo hormarin lahaa dhan kasta loona mideyn lahaa dhalinyaradda meesha sacad meel walba ay ku sugan yihiin.
Gabagabadii dhalinyaraddii mataleysa ururka hormarinta iyo mideynta dhalinyaradda sacad waxa ay ka yihiin.


1.Daahir Maxamed Warsame Guddoomiyaha dhalinyaradda sacad
2. Bile Daahir Cabdi
3.Bishaaro Ibraahim Nuur
4.Sagal Cabdi Cadceed
5.Maxamed Cabdi Cilmi
6.Maxamed Cali Warsame
7.Burhaan Maxamed Jimcaale
8.C/casiis Maxamed Xasan
9.Abshir Maxamed Daleel
10.Saciid Cabdulaahi Maxamed
11.Feysal Cali Maxamed
12.Canab Xasan Cadde
13.Raage Xuseen Cigaal
14.Maxamed wali Axmed
15.Axmed Salaad faarax
|