Ururka Haweenka Midnimo Ee Magaalada Gaalkacyo oo wada Hawlo ay Ugu Adeegayaan Shacabka Gal-Mudug Ayagoona Dhawaan ay hir galinyaan Dhismaha Suuq cusub Ee ay yeelato Gaalkacyo


Ururka Haweenka Midnimo oo ka mid ah ururada ka jira magaalada Gaalkacyo ee dawlad goboleedka Gal-Mudug State ayaa wada hawlo dar dar ah oo ay doonayaan in ay shacabka Gal-mudug wax ugu qabtaan ururka midnimo oo hawlaha ay Gaalkacyo kawado inta badan ay tahay waxabarshada, dumarka magaalada Gaalkacyo oo loo sameeyo tababaro ka la duwan oo ay ka mid tahay, waxbarshada aas aasiga ah iyo sidoo kale toliinka harqaanka isla markaasina markii aad booqatid iskuulka haweenka oo lagu magacaabo Horseed ee magaalda Gaalkacyo ayaa waxaad durba arkaysaa in ay ka socoto waxbarsho aydoona ay buux dhaafiyeen dumar fara badan oo ka yimaada xaafadaha magaalda Gaalkacyo oo iskuulaasi wax ka barnaya.

 

Ururka haweenka midnimo ayaa waxaa dhinca maal galinta gacan weyn ka siiya ururka lagu magacaabo Norsom oo fadhigiisu yahay dalka Norwey waxyna ururkaasi u dhiseen iskuulka horsed masuuliyiin ka socotay ururka Norsom oo dhawaan soo gaaray magaaalda Gaalkacyo ayaa kormeer ku tagay dhismaha iskuulka oo xiligaasi ay ka socatay wax barshada caadiga ah ee dumarku ay wax ku baranayeen.

Mas'uuliyiintii kormeerka ku tagay ayaa ka la ahaa Ismeehaa Wareeje iyo D.r. Maxamed Elmi oo labaduba ah hawl wadeenada ururka Norsom waxaana sidoo kale ku wehliayay kormeerkooda Geir iyo Margreth oo ka socday uruka yme ee dalka Norweyn sidoo kale kulamo dhawr ah oo ay ururadaasi ku yeesheen xarunta hay'dda GSA ee magaalada galakcyo ayey uga hadleen sidii loo dabooli lahaa baahiyada faraha badan ee ka jira deegaanada gal-mudg state.


Waxayna ururka haweenka midnimo cosdiyo u soo gudbiyeen ururada aygoona ka codsaday in loo dhiso suuq ay yeelato magaalada galkacyo gaar ahaan deegaanda Gal-mudug taasi ayaa lagu guulaysatay waxaana ururka midnimo ay ururada kale u balan qaadeen qarshka lagu fulinayo dhismaha suuqaas aydoona maalmo kadib la gudoonsiiyay deeq lacageed isla markaasina durbadiiba loo gaday dhulkii laga dhisi lahaa su,qaas oo lagu qarash gareeyay lacag dhan $175000,{toban iyo todobo kun iyo shan boqol oo doolar} waxaana goob jog ka haa lacagtaas gudoomay masuuliyiin iyo marqaatiyaal fara badan oo ay ka mid yihiin ururka Syuda ee kormeer ku jooga magaalada galkacyo ,waxaana dhanka kale ururka midnimo ka socday xabiibo koofurow,caasho Max'ed kaahiye, Shukiri Sheekh doon waxayna sheegeen in ay ku farxsan yihiin isla markaasina ay u mahad celiyeen ururada gacanta ka gaysaty hawshaas xabiibo dhismha suuqa ayay sheegeen masuuliyinta ururka midnimo in dhawaan ay bilaabi doono dhismaha suuqaas laga hir galinayo degmada wadajir ee magaalda Gaalkacyo

Arint ah dhismaha suuqa ayaa ah mid faaido weyn uleh shacabka Gaalkacyo gaar ahaan reer Gal-mudug aydoona hadii ay hir gasho ay tahay talaabo wanaagsan oo ay qaadeen .

 

Wisil.org Gaalkacyo-Mudug State

   
Copy Right © 2007 All Right Reserved | Hosted by Afro Tech
Designed By: