Qaar ka Tirsan Hay’adaha iyo Ururada Samafalka Ee ka Hawlgala Deegaanada Gal-Mudug Oo Kulan Balaaran Ku yeeshay xarunta Hay’ada JSA Ee Magaaalda Gaalkacyo.


Kulan ay iskugu yimaadeen masu’uliyiin ka kala socotay hay’adaha iyo ururada samafalka ee ka sheqeeya deegaanada dawlad goboleedka Gal-mudug State ayaa waxa uu ka dahcay magaalda Gaalkcyo gaar ahaan xarunta ha’ada JSA ay ku leedahay mgaaldagaalakcyo ee xarunta Gal-mudug State.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa ilaa 4qaybood oo kala ah hay’adaha YME oo ah fadhigeedu yahay dalka Norwey iyo JSA oo fadhigoodu yahay gaalkacyo isla markaasina labaduba ah hay’do ku shaqa leh dayactirka iyo qodista ceelasha iyo Ururada kala ah Nor’Som oo fadhigiisu yahay norwey iyo Ururka haweenka Midnimo ee magaaalda Gaalkacyo dhamaan hay’adahan iyo ururadaan oo wada shaqayn wanaagsni ka dhaxayso isla markaasina gacan weyn ka gaysata wax uqabashada bulshada reer gal-mudug ayaa kulankooda oo socoday mudo saaco ah waxaa ay ku lafa guaryeen baahiyaha kala duwan ee kajira deegaanda Gal-mudug.

 


Iyadoona masuuliyiinta qaybahaasi ay dhawaan socod dheer ku soo mareen qaybo badan oo ka tirsan magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada ku teedsan ee ay ka midka yihiin docol,wargalo,Celguula,Cel-dibir,iyo kuwo kale oo ay soo qiimeeyeen baahiya ka jira hakaasi inkasta oo aysan masu’liyiinta aysan wali sheegin waxa ay uqabnayaan goobahaasi balse dhawaan ay soo bandhigi doonaan sida ay xaqiijiyeen hawl wadeenada hay’adaha iyo ururadaas,aydoona kulankii ka dhacay gudaha hay’ada JSA ee magaalda galkacyo lagu soo bandhigay baahi weyn oo ay qabaan reer gal- mudug gaar ahaan reer Gaalkacyo taasi oo ah suuq la’aan ka jirta magaalda galakcyo waxaan la isla meel dhigay in magaalada gaalakcyo gaar ahaan gal-mudug loo smaeeyo suuq ay shacabku ka faaidaystaan laguna iibiyo qaybaha kala duwan ee qudaarta iyo wixii kale oo la mid waxaana arintaasi loo xil saaray in ay soo qiimeeyaan qarshka ku baxaya dhulka iyo dhismahba masuuliyiintii ka socotay ururka haweenka Midnimo halka balan qaadka bixnta qarshkana ay leeyiin wakiilada qaybaha kale ee goobta joogay.

 

Arint ah dhismaha suuqa ayaa ah mid faaido weyn uleh shacabka reer Gaalkcayo gaar ahaan reer Gal-mudug aydoona hadii ay hirgasho ay tahay talaabo wanaagsan oo ay qaadeen ha’adaha iyo ururadaasi.
Masu’uliyiinta kala matalaysan qaybaha shirka yeeshay ayaa kala ahaa:





1-Hay’ada yme waxaa ka socday Geir iyo Margreth.
2-Hay’ada JSA Waxaa ka socday Max’d xirsi cawaale iyo Jamaal saalax.
3-Ururada Nor’Som Waxaa ka socday D.r.Max’d Elmi iyo Ismahaan wareeje.
4-Ururka Midnimo Waxaa ka Socday xabiibo koofurow iyo Caasho Max’ed Kaahiye.

Wisil.org Gaalkacyo-Mudug State

   
Copy Right © 2007 All Right Reserved | www.wisil.org
Designed By: