Warbixin guud Shir xasaasi ah oo ay yeesheen madaxda ururka syuda iyo odayaal dhaqmeedka,hooyoyinka ururka Midnimo..

 

Ururka syuda oo ah urur dhalinyaro kana dhisan caasimada muqdisho xaruntiisuna tahay, wuxuuna ka madax banana yahay siyaasada guracan,faa,ida doon,iyo qabyaaladA foosha xun ka dhex taagan bulsha weynta beesha sacad,ujeedada imaantanka masuuliyinta ururka syuda oo ah markii ugu horeysay ayaa waxey ku qotontaa xog baaris guud,iyo in ay ka dhaadhiciso shaqooyinkeeda horyaala  la rabo in ay u qabato bulsha weynta beesha sacad,kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin midnimada,waxbarashada, caafimaadka,biyaha,Dayactirka wadooyinka.IWM

 

Taariikhdu Markey aheyd 1/11/2007 ayaa waxaa ururka syuda ka suura gashay in ay  la kulanto odayaal dhaqameedka beesha sacad, waxey ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin.
 
1. Sidii ay u suura gali laheyd in uu ururka uu howlihiisa uu gobolka u ka bilaawo.
 
2. Sidii ay isku fahami lahaayeen madaxda ururka syuda,iyo odayaal dhaqmeedka beesha.
 
Ugu horeyn waxaa shirka furay madaxda ka socota ururka syuda oo ay odayaasha u gudbiyeen warbixinadoodi guud kadib waxaa hadalkii la wareegay odayaashii dhaqanka waxaana hadalka furay yaasiin maxamed Gaani .
 
Mahad celin dheer kadib wuxuu ku dheeraday sharafkii  ay beeshu horey u lahaan jirtay iyo waxyaabihii salka u ahaa,sidoo kale wuxuu xusay dhibaatoyinka hada heysta beesha oo ay ugu horeyso is fahandaro, is maqal la,aan iyo waxyaabo kale oo intaa dheer oo aad u xanuun badan .
 
Yaasiin maxamed gaani hadaladisa waxaa ugu muhiimsanaa.
1. Waan soo dhaweyneynaa ururka dhalinyaradda,waana dad dhalinyaro ah  ka xanuunsaday dhibaatoyinka heysta dadkooda iyo dalkooduba,waxaana balan qaadeynaa in aan idinla shaqeyneyno aniga oo ku hadlaayo magaca odayaasha dhaqanka meel kastana aan idinla tagno.
 
2. sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Cismaan Nuur Qeyd oo asaguna hadalka ku furfurtay amaan dheer iyo tixgelin gaar ah oo uu dhalinyarada u heyo,wuxuuna si gaar ah ugu nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay dhalinyaro ka caafimaad qabta waxayaabaha ka dhex taagan beesha,(Maanta waxaad ka dhigan tihiin 13 SYL oo calanka soomaaliyeed soo hooyisay,sidoo kale waxaa ka mid ahaa sacad wuxuu ku jiraa ceel, hogaan waxaa u noqon kara dad aqoon leh) intaas waa hadaladii ugu muhiimsanaa hadalkii cismaan nuur qeyd.
 
Guntii iyo gunaanadkii shirkaas ayaa waxaa la isla afgartay qotobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin
1.In Ururka loo aqoonsaday ururka dhalinyaro oo kali ah kaasoo ay beeshu leedahay.
 
2.Iney la shaqeynayaan gacan hiil iyo waxqabadna ka geysanayaan waxqabadka ururka .
 
3.In xirir joogta ah  ay wada yeelan doonaan odayaasha dhaqanka iyo madaxda ururka syuda.
 
kulankaas waxaa ka soo qeyb galay odayaal fara badan oo ay ka mid yihiin.
 
1.Cismaan Nuur Qeyd
2.Yaasiin Maxamed Gaani
3.Cali Salaad Qeyre Xuudi
4.Cabdi Jaamac Nuur
5.Axmed Geyfane.
 
Ugu danbeyntiina madaxdii syuda waxa ay balan qaadeen in ay si wanaagsan ula shaqeynayaan odayaasha dhaqanka ee gobolka.
 
Sidoo kale Taariikhdu Markey aheyd 31/10/2007 ayaa waxaa shir wada tashi ah uu dhexmaray madax ka socta ururka syuda iyo ururka hooyoyinka midnimo ee ka dhisan koonfurta galkacyo.
Ugu horeyn waxaa shirkii furay madaxdii ka socota ururka syuda waxey ka sheekeeyeen waxyaabihi ay u yimaadeen gobolka mudug oo ay ugu muhiimsan tahay midnimo la,aanta iyo iskaashi dhexmara ururka syuda iyo ururka midnimo, si la iskaga kaashado loogana arinsado dhibaatooyinka ka taagan beesha dhexdeeda oo iskugu jira maamul la,aanta .is fahan darida ,qabyaalada foosha xun taasoo mar walba u taagan yihiin madaxda ururka syuda iyo howlwadeenadeeda sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka jira ayadoo lala tashanaayo cid walbaale oo ka talineysa waxana ka qabaneysa aayatiinka iyo hormarka bulsha weynta beesha sacad,intaas kadib waxaa hadalkii qaatay madaxda ururka midnmo guddomiyaha ururka midnimo Marwo Xabiibo koofurow hadaladeeda waxaa ka mid ahaa .
 
Amaan dheer iyo salaan kadib waxey xustay sidii ay ugu faraxsan tahay kulankaan qaaliga ah iyo in ay aragto dhalinyaro ka fekereysay aayaha dadkooda iyo dalkooda,taa badalkeeda waxey si gaar ah u xustay dhibaatoyinka iyo waxqabad la,aanta odayaasha beesha sacad hadaladeedana waxaa ka mid ahaa .
1. galabtay haddii ay odayaal inoo imaan lahaayeen waan ku qosli laheyn, waayo waan kuwa dhibkaan ina baday .
 
2. sheyga nin la yiraahdo iyo anagu ul dheer ayaan iskugu kutubeynaa,waxaana ku tashanay haddii aan nahay hooyoyinka mar haddii ay raggii isbaarada qaadi waayeen in aan anaguna qoryo qaadano isbaarana dhigano.
 
3. Sidoo kale odayaashu maalintey ka ciirto ayey inoo wacdaan anaguna genber dheer ayaan ugu fadhinaa .
Intaas iyo in kalaba ka sii wanaagsan ayey soo jeediyeen masuuliyintii u hadashay ururka midnimo,waxeyna balan qaadeen in ay la shaqeynayaan ururka syuda wax walboo ay qabanayaan in ay ka geysanayaan gacan hiil iyo hooba leh.
Guntii iyo gunaanadkii shirka masuuliyintu waxey isla afgarteen qotobadaan.
 
1. In wada shaqeyni ay dhexmarto labada urur
2. In ay xirir joogta ah yeeshaan .
3. In ay iska kaashadaan dhanka waxqabadka
Xubnihii ururka midnimo ugu so qeybgalay shirka waxaa ka mid ahaa .
 
A) Guddoomiyaha ururka midnimo
Xabiibo Koofurow
B) Xadiyo Cagweyn
C) Caasho Maxamed Yareey
D) Faadumo Dhegef
E) Dahabo jaamac
F) Xaadsan axmed salaad
G) Ubax jaamac
H) Maryan naaleeye
I) Caasho salaad kheyre
J) Caasho maxamed Cira weyne
 

 
   
Copy Right © 2007 All Right Reserved | www.wisil.org
Designed By: