Ururka SYUDA ayaa wuxuu ka qeyb galay shirweynihii  ay yeesheen beelaha dega koonfurta mudug..

 Waxaa u suuragashay wafdi ay direen ururka syuda ee uu hogaaminaayo xoghaya guud ee ururka Mr: Raage Xuseen Cigaal in ay ka qeybgalaan shirweyne taariikhi ah oo ay yeesheen bulsha weynta beelaha dega koonfurta mudug galkacyo .

 Shirkaas ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaa kala duwan ee beelaha sida odayaal dhaqmeedka,culumaudiinka,hooyooyinka, saraakiisha,iyo madax ka socota ururka SYUDA,waxaana  shirkaas looga hadlay dhibka heysta beesha oo ay iskugu jirto maamul la,aan midnimo, la,aan iyo sidii maamul lagu sameyn lahaa
 

 Shirkaan ayaa wuxuu furmay taariikhdu marka ay aheyd 11/9/2007 furitaankii shirka ayaa waxaa la is dhaafsaday doodo dheer oo ku saabsan sidii loo badbaadin lahaa jiritaanka beesha taasoo ay xubin iyo fikirba ku lahaayeen ururka syuda.

 Hadaba dhanbaalkii ugu weynaa  oo ay soo jeediyeen madaxda ururka syuda ayaa wuxuu ahaa in ay beeshu qaadato  kuna dhaqanto kitaabka allle,iskuna xukunto si ay ayagu iskaga badbaadaan beelaha kalaana ugu badbaadaan waayo kitaabku waa kan kaliya oo laga heli karo waxa walbaale dadkana aan u kala eexaneyn, waxaana ururka syuda ugu qeyb gashay shirkaas ka socda degmadda bandiiradley madaxda kala ah .

 1.Raage xuseen cigaal                 Xoghaya Guud ee ururka syuda

2.Sheikh shaakir cali axmed         Xoghaya arimaha diinta

3.Axmed salaad faarax                 Xoghaya xirirka caalamiga

4.Abshir maxamed daleen           Xoghaya maaliyada

5.Maxamed Cabdi Cilmi             Xoghaya Sport-ga

 dood dheer kadib ayaa waxaa la isla qaatay taariikhdu Markey aheyd 11/11/2007 in beesha lagu kala xukumo kitaabka alle, sidoo kale waxaa la isla afgartay go,aanadaan hoos ku qoran.

 Xeerka Iyo Dib U Hashiisiinta Axdiga Bandiiradleey

Hordhac

Kadib Markii : Ay Shir Ballaaran Iskugu Yimaadeen Qeybaha Bulshada Sida Culamaa'udiinka , Odayaasha Dhaqanka,Ganacsatada,Aqoonyahanda,Saraakiisha,
Haweenka Iyo Waxgaradka Beesha Sacad Waxay Iskugu Yimaadeen Fadhi Taariikhi  Ah 11/09/2007 Kaas Oo Ka Dhacay Magaalada Bandiiradley, Gogoshaas Oo Ay  Dhigeen Curadka Sacad reer Sh.Cabdalle. Dood Iyo Falanqeyn Kadib Beeshu
Waxay U Saareen Gudi 39 Xubnood Ah Oo Ka Soo Baaraandaga Arrimaha Murugsan  Ee Beesha Sida Qilaafka, Amni Xumada Iyo Horumar La'aanta.

Kadib Markii : Beeshu Garwaaqsatay Lagama Marmaanimada U Hawl Galida Xalinta  khilaafaadka Beesha Sacad Dhexdeeda Iyo Xallinta Beesha Iyo Beelaha Kale Kuwa Dhow Iyo Kuwa Fogba.

Kadib Markii: Ay Caddaatay Loona Caalwaayay Is-Hortaagida Hawlaha Danta Guud  Ee Ummadda Nolosha U Ah .

Kadib Markii Ay Eexiyeen: Marxaladda Kala Guurka Ah Ee Uu Haatan Dalku  Marayo Iyo Lagama Maarmaanimada Kaalintii Firfircooneyd Ee Ay Beeshu Ku  Lahayd Bulshada Soomaaliyeed Dhexdeeda, Waxuu Guddigu Soo Saaray Xeerkaan:-
.
1. Ilaalinta Iyo Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka.

2. Midnimada Beesha Sacad Waa Muqaddas Goor Kasta Iyo Goob Walba

3. Shaqsigii Ama Kooxdii Is-Hortaagta Howlaha Danta Guud Sida,
Waddooyinka,Goobaha Caafimaadka,Garoommada Diyaaradaha ,Kuwa Sportiga
Xarumaha Dowladda, Iyo Dhammaan Ilaha Dhaqaalaha Iwm.,

Waxaa Kolka Hore Looga Digayaa Qalabka Warbaahinta Iyo Goobaha Ummaddu Ku Kulmaan Kadibna Waxaa Laga Qaadayaa Talaabo Sharciga Waafaqsan

4. Waxuu Sharcigu Mamnuucayaa Dhaca, Dilka, Kufsiga, Aqlaaq Xumada, Boobka  Hantida Dadwaynaha Iyo Hantida Guudba.

5. Wuxuu Sharcigu Mamnuucay Xaalufinta Dhirta Iyo Daaqa,Iyo Ugaarta Sidoo  Kale Dhoofinta Xoolaha Dhidiga Ah.

6. Sharcigu Wuxuu Ilaalinayaa Ku Xad-Gudubka Iyo Xaalufinta Qeyraadka Bada  Iyo Xeebaha.

7. Waxaa La Is-La Oggolaaday In La Abuuro Ilo Dhaqaale Si Loo Sugo Amniga,  Nabadgalyada Iyo Kala-Dambeynta.

8. Waxaa La Oggolaaday Soo Dhaweynta Hey'adaha Samafalka Iyo
Deeq-Bixiyayaasha Caalamka. Iyadoo La dammaanad-Qaaday Ammaanka Iyo  Nabadgalyada Hey'addaha.

9. Waa In Ay Hey'aduyhu Dhawraan Sharciga Iyo Kala-Danbeynta Waana In Ay Soo  Wargaliyaan Imaanshahooda Ka Hor Maamulka GalMudug.

10. Waxaa La Isla Oggolaaday In Lala Heshiiyo Dhammaan Ummada Soomaaliyeed Kuwa Dhow Iyo Kuwa Fogba. Cid Kastana Lagu Xaq Dhowro Deegaankeeda.

11. Waxaa La Soo Dhaweeynayaa Cidkasta Oo Maalgalin Ku Samaysaneysa Deegaanada  Sacad.

12. Wuxuu Maamulka Dawlad-goboleedka GalMudug Ka Codsanayaa Jaaliyadaha Iyo  Ganacsatada In Ay Dib-u-Dhis Ku Sameeyaan Dhulkooda. Ayna Ka Hormariyaan  Dhinacyada Caafimaadka,Biyaha ,Waxbarshada,Waddooyinka,Airboorrada
,Dakadaha Iwm.

Sidoo Kale In Si Gaar Ah Loo Hor-Mariyo Wax-Barashada Diinta Islaamka,  Kobcinta Goobaha Cibaadada Masaajidyada Iyo Dugsiyada Quraanka.

13. Burcadda Cadaysatay Ku Xad-gudubka Shareecada Islaamka Sida.; Dilka, Dhaca, Kufsiga, Jidgooyooyinka, (isbaarooyinka) Iyo Hor-Istaagga  Howlaha Danta Guud, Ciddii Isagoo Falkaas Faraha Kula Jira Ciidanka Nabadgelydana Ugu Yimaadaan, Iskuna Dhiibi Waaya, Ee La Yimaadda Weerar Dagaal Ah.

Wixii Ku Gaara Waxaa La Ogaysiinayaa In Uusan Wax Xaq Iyo Xuuuq Toona Lahayn.

• Shaqsigii Ama Kooxdii Mucaaradad Uga Horyimaadda Hawlaha Danta Guud Iyo Maslaxadda Ummadda Sacad iyo Guddiyadooda Iyo Tan Dawlad-goboleedka  Galmudug, Ugana Hor-yimaadda Af,Gacan, Dhaqaale, Mucaaradad Qarsoon Iyo Mid
Bayaan Ah,Waxaa La Ogaysiinayaa In Lagu Fulin Doono Shareecada Islaamka Ciqaabna Uu
Mutaysan Doono

14. Askarigii Kudhinta ama Ku Dhaawacma Isagoo Fulinaya Amarka Maamulka Ee  Waafaqsan Sharciga Islaamka, Waxaa Xaqiisa Bixinaya Maammulka Oo La  Kaashanaya Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Sacad. Waxaana Looga Digayaa Askarigii Ku Dhaqaaqa Isagoo Aan Amar Ka Haysan Madaxda Iyo Maamulka, Ee Fal Gaysta,Waxaa Lala Tiigsanayaa Sharciga  Islaamka

15. Waxaa La Mamnuucay Wax Yaabaha Faxshiga Sida,Qamriga,Xashiishka Iyo  Daroogada Iwm. Ciddii Dmbigaa Lagu Qabto Waxaa Lala Tiigsanyaa Sharciga  Islaamka.

16. Beesha Sacad Waxay Ay Ayideen 21kii Xarig Ee Lagu Dhisay Shir Waynihii  Gal Mudug

17. Waxay Beeshu Soo Dhawaynaysaa Beeshii Soomaaliyeed Ee Si Xor ah ula  Qaadanaysa Ku Dhaqanka Sharciga Islaamka Ee Ay Beeshu Qaadatay Iyo Xeerkan.

18- Beeshu Waxay Si Cod Buuxda u taageertay Dawlad-Goboleedka GalMudug, oo ay horay wax uga dhisteen Beesha Iyo Beelo Kale.Waxayna beesha Sacad
Go,ansatay in ay dhinac walba ka garab-Istaagaan Dawlad-goboleedka Galmudug.Waxayna la mid tahay Dawlad-goboleedyada kale ee Dalka Ka  Jira.

19- Beeshu Waxay Isku Waafaqday In La Dhiso Labo Guddi Oo Wax Ka Qabata  Xaaladda Degdegga ah Waxayna kala yihiin;

        1-Guddiga Nabadgelyada
        2-Guddiga Dhaqaalaha

Guddiyadan oo waxaa Saddax ku ah Guddiga Garsoorka oo horay
Dawlad-goboleedka GalMudug ugu dhisnaa. Guddiyadaan oo mid waliba uu ka  shaqayn doono Hawsha uu ku Magacaabanyahay. Waxayna Hoos tagayaan  guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dawlad-goboleedka GalMudug. Guddoomiyaha
Gobolkuna wuxuu hoos tagayaa, Sida Caadada ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee  Dawlad-goboleedka GalMudug. Waxay Guddiyadan shaqadoodu ku eg-tahay muddo Saddax Bilood ah , ama kolka Madaxweynaha GalMudug uu Dalka ku soo laabto.

20- Beeshu Waxay Kaloo Isku Raaceen In Ciidamada ( Maleeshiyooyinka ) La Xareeyo
Loona Furo Tababarro. Maammulkuna Wuxuu u Diyaarinayaa Daryeelkooda  oo Buuxa.

21-Xeerkani Wuxuu Leeyahay Xeer Hoosaad. Wuxuuna Waafaqsan Yahay Xeerka Iyo
Dastuurka Dawlad-goboleedka GalMudug Iyo ka Dawladda Soomaaliyeed.

Waxaa Waajib Ku Ah Cidkasta Oo Ku Abtirsata Beesha Sacad In Ay Dhawrto Kuna Dhaqanto. Xeerarkii ay beeshu isku soo maammuli jirtay waxaa lagu  baddalay xeerkan. Xeerkanna Wax Waa Laga Badali Karaa Waxna Waa Lagu
Kordhin Karaa

Xeerkani Wuxuu Dhaqan Galayaa Marka Ay Wada Saxiixaan Dhammaan Xubnaha Guddiga.

22- dhamaan hawlkasta iyo maammulka beesha Sacad waxaa marjac u ah go,aanka kama dambaysta ahna iska leh culuma,udiinka iyo odayaasha dhaqanka hawlkastana ayaga ayaa sal u ah hadii la isku qabto,

 

Guntii iyo gunaanadkii shirka ayaa  la saaray sedex guddi oo kala ah

 1.    Guddiga Marjaca.

2.    Guddiga Dhaqaalaha

3.    Guddiga Amniga

 Gudiyadaani waxa ay shaqadoodi ku eg tahay muddo sedex bilood ah waxa ay ka shaqeynayaan dhamaan waxayaabihi shirka lagu soo qaaday ee lagu heshiiyey oo ay kuw ka tahay amaanka ,isfaham darida iyo in ay maamul loo dhan yahay u sii gogol xaaraan

 


 

 
   
Copy Right © 2007 All Right Reserved | www.wisil.org
Designed By: