Ururada Daryeel iyo SOSDA oo ku guulaysatay furitanka qaybta OPD ee isbitaalka degmada ceel-guula iyo Hay’ada MSF H.oo ka qayb gashay xafladii furitaanka isbitaalka .
 

Xaflad aad ubalaaran oo lagu maa muusayay furitanka qaybta OPD ee isbitaalka degmada celguula ayaa lagu qabtay xarunta isbitalka ee deeganka celguulaa aydoona ay goob joog ahaayeen hawl wadeenada hay’ada MSF Holand , ugu horayntii Gudoomiyaha ururka SOSDA maxamed Xaaji Ereg oo xaflada furay ayaa umahad Celiyay agaasimaha ururka sosda shuuke oo sida gudoomiyuhu cadeeyay sabab u ahaa furitaanka qaybta OPD ee isbitaalka Celuula waxuu kale oo umahad Celiyaya madaxda MSF ee ay hugaaminayso madaxa Caafimaadka Keerin loshin asagoo uga mahad celiyay hawlaha Caafimaadka ee qaybta TB Celguula ay MSF ka wado.
 


Waxaa kale oo ka hadlay munaasaba gudoomiyaha Degmada Ceguula Cabdi Max’d Guure oo tilmaamay baahida wayn ee looqabay furitaanka isbitaalka guud ee celguula asagoo umahad celiyay Daryeel iyo SOSDA oo iska kaashaday furitaanka isbitaalka MSF ayuu gudoomiye cabdi max’d guure ka codsaday in ay ka qayb qaataan socosiinta isbitaalka Ceguula gudoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay kerin oo xusay in amaal aan la soo koobi Karin ay uhayaan {Hadii nahay reer cel-guula waxaan amaal uhay naa kerin hadii la oran lahaa madaxweyne udoorta cel-guula waxaan dooran lahayn kerin} ayuu hadal kaftan ah ku yiri gudoomiyaha demada cel-guula cabdi Max’d guure.

Gudoomiyaha kadib waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha garsoorka Ce-lguula Macalin C/laahi Shiikh Yuusuf, oo umahad celiyay Daryeel, SOSDA iyo MSF farxad aan la koobi karina ku tilmaamay furitaanka isbitaalka Celguula waxuuna amaan usoo jeediyaya D.r. Cali Cabdi Faarax oo ah madaxa caafimadka isbitalka cel-guula oo uu ku tilmaamay nin aqoon iyo dulqaad kulan saday bilihii uu cel-guula joogayna magaaladu ku diirsatay wax qabadkiisa, asagoo timaamay in uu wax wayn ka qabtay hawlaha caafimaadka asgoon haysan wax tasiilaada ama daawo ah, nasiib waxaa ah buu yiri in Daryeel iyo SOSDA ay nagu caawiyeen qalabkii iyo daawo uu dhaqtarku wax ku Dabiibo.
 


Qudbadaha furitaanka qaybta OPD oo ahaa kuwo isi sha baha oo bogaadin iyo mahadcelin ururadii ka soo shaqeeyay furitaanka isbitaalka ubadnaa ayaa waxaa ka mid ah xubnihii halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Haweenka Caasho Barre iyo Gudoomiyaha Dhalin Yarada C/laahi Kulan Gooni.
 
Intaa kadib waxaa hadalkii lagu soo wareejiyay agaasimaha ururka SOSDA C/naasir C/laahi Shuuke oo sharaxaad dheer ka bixiyay hawlaha ay qabteen iyo sababaha ku qasbay in ay furaan isbitaalka asagoo tilmaamay in ururku uu qalabeeyay isbitaalka maantan ay diyaar tahay sadex qaybood kuwaas oo kala ah Shaybaar, Emergence iyo daawaynta bukaanada, waxa kale uu tilmaamay in uu diyaari yay qol loogu tala galay shirarka isbitaalka iyo wax barista shaqaalaha.
 


Agaasimuhu waxuu tilmaamay in ay ku qasabtay furitaanka isbitaalka baahida balaaran ee ka jirta Celguula iyo deegaanada ku xeeran
Shuuke xogolof agaasimaha ururka SOSDA ayaa ugu danbayntii sheegay in aysan marnaba ka caajisi doonian hawlaha samafalka ee ay uhayaan bulshada aygagoo la kaashanaya uruarda kale oo ay ka id tahay Daryeel iyo MSF .
 
Waxaa ugu danbayntii xaflada ka hadashay kerin oo ah madaxa ugu sareeya ee ha’ada MSF H.ee afrika oo umahad celisay SOSDA,Daryeel iyo daka reer celguula oo ay sheegtay in ay yihiin dad diyaar u ah in ay wax qabsadaan isla markaasina ay celguula tahay magaalo ku talaabsatay hor’umar weyn oo dhinaca caafimaadka ah ayadoona xariga ka jartay qaybta OPD ee isbitaalka degmada cel-guula.
 
Xaflada oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay goob joogna ay ka ahaayeen hawl wadeenada hay’ada MSF ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan waxaana furitanka qaybata OPD ee isbitaalka cel-guula aad usoo dhaweeyay dhamaan daka ku dhaqan deegaanka iyo deegaanada ku teedsan oo uga faa idaysan doona baahidooda caafimaad ee ka jirta deegaanadaas.
 
by youth of wisil galkacyo
 

 
   
Copy Right © 2007 All Right Reserved | www.wisil.org
Designed By: