|
Dhismaha Ururka Horumarinta Soomaaliyeed
SWDO oo . laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka
GalMudug.
Maalinnimadii Isniinta ee taariikhdu ay ahayd 14/01/08-da ayaa
waxaa looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka
GalMudug dhismaha urur haween ah oo lagu magacaabo Ururka
Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed. Somali Women Development
Organization SWDO.

Drs. Siciido Max’uud Xirsi, oo ah guddoomiyaha ururka SWDO.
Aammino Salaad Yuusuf, oo ah gudd. ku xigeenka 1-aad ee SWDO.
Asiili Axmed Cawaale, oo ah gudd. ku xgeenka 2aad ee SWDO. Iyo
Wariye Maariya Xaashi Cali, oo ah xoghayaha guud ee SWDO.
Xaflad si qurux badan loo soo
diyaariyay, oo lagu soo ban-dhigay ku-dhawaaqidda ururka haweenka
SWDO iyo doorashada madaxdiisa sarsare ayaa galabnimadii Istiinta
ee ahayd 14/01/08. waxay ka dhacday dugsiga H/Dhexe ee C/LAAHI
CIISE ee magaalada Gaalkacyo

Madax Waxda Cafimadka
Farxiyo Sicid Cali Xoghayaha Guud Wariye Maariya
Xashi Cali



Waxaana xafladdaas ka soo xaadiray ka-qaybgalayaal 300 gaaraya oo
ay ka mid ahaayeen masuuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan
maammulka dawladda GalMudug State, ururka SWDO, ururrada bulshada
rayidka ah ee GalMudug qaarkood, hooyooyin, fannaaniin iyo
dhallinyaro gabdho iyo wiilalba leh. Oo ay aad uga dhex-muuqdaan
gabdhaha ururka SWDO oo ku labbisan calanka Jamhuuriyadda
Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada
Galmudug State Col. C/llahi Cambarre
Ugu
horraynba, waxaa munaasabaddaas lagu caleemo-saaray 4-ta xubnood
ee ah hoggaanka sare ee ururka SWDO. Kuwaasoo ay horay u doorteen
Xubnaha uruka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed SWDO, oo tiradoodu
gaarayso 80 xubnood. Waxayna madaxdaasi kala yihiin;

Ugu horraynba, waxaa munaasabaddaas lagu
caleemo-saaray 4-ta xubnood ee ah hoggaanka sare ee ururka SWDO.
Kuwaasoo ay horay u doorteen Xubnaha uruka Horumarinta Haweenka
Soomaaliyeed SWDO, oo tiradoodu gaarayso 80 xubnood. Waxayna
madaxdaasi kala yihiin;

Xafladda loo qabtay
ururka SWDO ayaa waxaa lagu soo ban-dhigay riyaayad aad looga
helay oo diiradda saaraysay dhibaatada Gudniinka Fircoonigaa.
Waxaana riwaaddaas jilayay koox ka koobnayd 2-da abwaan ee kala ah
Max’uud Kaa-dheeri iyo Caddaawe-jaahil iyo gabdho ka tirsan ururka
SWDO.
Sidoo kale waxaa
xafladda laga soo jeediyay qudbado kala duwan oo aad u qiimo badan.
Waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii halkaas ka hadashay Wasiir ku
xigeenka ganacsiga ee Dawlad-goboleedka GalMudug marwo Xabiibo
Koonfurow, oo ku hadlaysay magaca Dawladda GalMudug. Waxyna hambalyo
iyo bogaadin u soo jeedisay ururka cusub ee SWDO. Waxayna marwo
Xabiibo ku nuuxnuuxsatay sida Dawlad-goboleedka GalMudug ay uga
go’antahay daryeelka iyo horumarinta hooyada iyo dhallaanka.
Marwo Xabiibo Koonfurow ayaa qudbaddeeda ku xustay galganka ee
haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka GalMudug, ay u soo galeen
horumarinta dadka iyo dalkaba. Waxayna tusaale u soo qaadatay
waxqabadka ururka haweenka MIDNIMO oo ay ka mid yihiin dugsiga H/Dhexe
ee Horseed ee magaalada Gaalkacyo oo uu gacanta Ku hayo iyo dhisme
suuq cusub oo dhulkiisii la gaday oo dhawaan la rajaynayo in laga
billaabo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Waxayna marwo Xabiibo Koonfurow mahadcelin ballaaran u soo
jeedisay intii wax la qabatay ururka MIDNIMO. Waxayna xustay
gabdhaha jaaliyadaha dibadda ee GalMudug. Iyadoo si gaar u
tilmaantay gabdhaha jaaliyadda GalMudug ee DalMudug ee dalka Norway.
Kuwaasoo Wasiir ku xigeenka ganacsiga ee GalMudug State ay qirtay in
gacan buuxda siiyeen. Waxayna tiri Xabiibo Koonfurow " waxaan abaal
uga haynnaa gabdhaha walaalladeen ah ee ka tirsan jaaliyadda
GalMudug ee Norway taageerada joogtada ah ee ay na siiyaan. waxaanan
rajaynaynnaa gabdhaha kale inay ku daydaan".
Taliyaha ciidammada qalabka sida ee Dawlad-goboleedka
GalMudug G/Sare C/Laahi Cambarre, oo isna qudbad macaan ka jeediyay
xafladda ayaa isna si diirran u soo dhaweeyay ururka SWDO. Wuxuuna
sheegay inuu hiil iyo hooba la garab-taaganyahay.
Guddoomiyaha ururka naafada GalMudug ee SOMDO mudane Daahir
Yaasiin Warsame ayaa halkaas ka soo jeediyay kalmado farxadi ka
buuxdo oo ku aaddan dhismaha ururka SWDO, oo uu ku tilmaamay "gabar
qiimo badan oo noo dhalatay".
Guddoomiyaha ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed ee
SWDO Marwo Siciido Max’uud Xursi, oo ah kalkaaliso sare oo caafimaad
oo aqoon wanaagsan u leh cudurrada haweenka, ayaa iyadana lagu soo
dhaweeyay makarafoonka. waxayna ka dib salaan iyo mahadcelin ay u
jeedisay ka-qayb-galayaasha xafladda hoosta ka xarriiqday sida
ururka SWDO uu u taageersan yahay Dawlad-goboleedka GalMudug.
waxayna sharraxaad ka bixisay ujeeddada loo dhisay ururka SWDO.
Waxayna shaaca ka qaadday inuu hadafkoodu yahay samo-falka iyo
horumarinta haweenka iyo carruurta. Waxayna sheegtay ina meelaha ay
mudnaanta siin doonaan ay ka mid yihiin isku-xirka haweenka,
kor-u-qaadiska aqoonka haweenka iyo wax-u-qabashada haweenka iyo
carruurta dhibaataysan, sida kuwa soo bara-kacay.
Guddoomiyaha ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed SWDO
ayaa waxay xilal kala duwan u magacawday 6 xubnood ka tirsan ururka
SWDO. Iyadoo xubno kalena ay dhimman yihiin magacaabistoodu. Waxayn
kala yihiin 6-da gabdhood ee la magacaabay;
Farxiyo Siciid Cali,
madaxa waaxda caafimaadka ee SWDO.
Maryan Xasan Tahaliil, madaxa waaxda waxbarashada ee SWDO.
Maryama C/Casiis Sh. Max’ed, madaxa waaxda dhaqaalaha SWDO.
Caynabo Xaaji Cabdi, madaxa waaxda samo-falka ee SWDO.
Salaado Cali Wadaad, madaxa waaxda hiddaha iyo dhaqanka SWDO.
Fartuun Max,uud Ciise, madaxa waaxda qoraallada ee SWDO.
Ururkan cusub ee
haweenka SWDO ayaa wuxuu noqonayaa ururkii 2-aad oo haween ay
leeyihiin oo laga dhiso Koonfurta magaalada Gaalkacyo. waxaana horay u
jiray Ururka MIDNIMO oo ah urur haween ah oo bulshada wax badan u
qabtay. waxaana taageera ururka MIDNIMO gabdhaha jaaliyadda GalMudug
ee dalka Noway. oo ay ka mid tahay Ismahaan, oo dhawaan booqasho ku
soo kala bixisay magaalooyinka Gaalkacyo, Hobyo iyo meelo kale oo ka
tirsan Dawlad-goboleedka GalMudug.
Ururka haweenka ee SWDO waa urur ay xubnihiisa u badan yihiin
gabdho dhallinyaro ah oo indheer-garad ah. waxaana ugu caansan
gabdhahaas Maariya Xaashi Cali, oo ah wariye cod macaan oo ku soo
caan-baxday idaacadda Codka Mudug ee magaalada Gaalkacyo. Maariya
Xaashi Cali waa gabar waddaniyad ah. waxayna dhigataa dugsiga Sare ee
Cumar Samatar ee Woqooyiga magaalada Gaalkacyo, oo qalin-jabinteedu ku
beegantahay dabayaaqada sannadkan 2008-da. waxaana lagu yaqaannaa
Maariya taageerada Madaxweyne Kiimiko, Madaxweynaha Dawlad-goboleedka
GalMudug. waxayna si cad ugu dhiirrataa taageerada GalMudug, xitaa
marka ay ku sugantahay deegaanka uu ku yallo dugsiga ay dhigato oo aan
laga jeclayn GalMudug.
Wisil.org
Gaalkacyo-Mudug State |