Ururada Nor’Som iyo SOSDA IYO Ururka Nor’Som Kor Meer ku soo Maray Iskuuladka Wax Barshada Dawlad Goboleedka Gal-Mudg State Ee Magaalda Gaalkacyo


Xarunta madaxtooyada dawlad goboleedka Gal-Mudug Sate ee magalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay masu’uliyiin ka tirsan maamulka Gal-mudug State iyo xuno ka socda Ururada Samafalka ee ka hawl gala Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanda Gal-mudug State, iyadoona ururadaasi ay kor meer ku soo mareen qaar ka mid ah iskuulaadka wax barashada ee ka jira magaaladda Gaalkacyo.

Masu’uliyiinta kala ah Cabdi Naasir C/laahi shuuke xogolof oo ah agaasimaha ururka SOSDA ee ka hal gala gobolada GalMudug iyo Ismeehaan Wareeje oo ka tirsan jaaliyada dibada kana tirsan Ururka No’rSom ee fadhigiisu yahay dalka Norwey isla markaasina hawlo samafal kawada gobolada Galmudug gaar ahaan deeganda Gal-Mudug ayaa xarunta madxtooyada Gal-mudug kulan kula yeshay masu’uliyiin ka tirsan Gal-mudug State oo uu ka mid ahaa ku simaha madaxwenaha Gal-Mudug Mudane C/Zamd Nuur Guuleed Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada Gal-mudug Mursal xaashi Shirwac.

Kulanka ka dhacay madaxtooyada oo ahaa mid kala war qaadasho iyo isku boorin hawlaha horyaal Gal-mudug,Ururada samafalka iyo jaaliyada dibadada ayaa sidoo kale waxaa isna goob joog ka ahaa Cumar Maxa’d rooblle {Cumar Suuri}oo ka mid ah jaaliyada dibada Gal-Mudug Agaasimaha guud ee dawlad goboleedka Gal-Mudug Mursal xashi shirwac ayaa ka warbixiyay wax qabadkii dawlad goboleedka Gal-mudug State iyo in mar kasta ay diyaar uyihiin dadaalkooda ku aadan hor’umarka deegaanda Gal-mudug, ismeehaan wareeje oo ka mid ah jaaliyada dibada Norwey kana tirsan Ururka Nor’som oo iyana kaa hadashay xarunta madaxtooyada ayaa u mahad celisay masu’uliyiinta dawlada Gal-mudug oo ay tiri waxaad qaadeen talaabooyin wanaagsan oo horumar leh hadii aan nahay jaaliayida dibada waan la soconaa wax qabdkiina anaguna waan inku garab taaganahay wax kasta oo hor’umarka deegaanadeena ah ayay tiri ismeehaan wareeje oo kulankaasi la qaadatay madaxda madaxtooyada Gal-mudug State.

Sidoo kale ismeehaan ayaa kor meer ku soo kala baixisay qaar ka tirsan iskuuladka wax barsahda ee Gal-mudug sida Dugsiga Sare SYL iyo Dugsiga H/dhexe C/laahi Ciise halaasi oo ay ka socdeen wax barshada ardayda ayna warbixino ka siiyeen maamulka iskuuladaas.

iskuulka C/laahi Ciise ayay ismeehaan indheheeda ku aragtay qaar ka tirsan ardayda dhigata oo markaasi agabka wax barshadu ciriiri ku yihiin gaar ahaan qaar ka tirsan fasalada ardayda oo aan kuraas lahayn dhulkana fadhiya iyo ciriiri kuraasta oo iyana haysata ardayda C/laahi Ciise waxaan kormeerkeeda ku wehliyay shuuke xogolof oo ururkiisu gacan wayn ka gaysto hawlaha waxbarshada iyo caafimaadka deegaanda Gal-mudug

Wisil.org Gaalkacyo-Mudug State

   
Copy Right © 2007 All Right Reserved | www.wisil.org
Designed By: