|
Hey’adda SCDO ayaa
mashaariic waxbarasho oo lacag la’aan ah ka hirgelisay degmooyinka
Gaalkacyo iyo Wisil ee dowlad goboleedka Galmudug State.
Hey’adda wadaniga ah ee marka magaceeda la soo
gaabsho loo yaqaano SCDO ahna hey’add ka howlgasha dhinacyada
biyaha sida dayacrirka ceelasha biyaha kuwii hore iyo ku cusub oo
hada la qodaya , ayaa dhawaan qaaday tilaabo ku cusub degaanada
Galmudug State.
Tilaabadaan ayaa ah in Hay’adda labo mashaariic waxbarasho oo
loogu talo galay in dadka dadoodu ka wayn tahay 18 sano si lacag
la,aan ah wax lagu baro degmooyinka Gaalkacyo iyo Wisil ee
gobollada Mudug iyo Hobyo ka hirgelisay taas oo ah labo xarumood
oo middiiba ay ku fadhido 40Mx40m lagana dhisay midkiiba afar
fasal oo midkiiba ay wax ku baran karaan halkii marba min 40 qof
oo isugu jira dumar iyo rag taas oo isku noqonaysa in waqtigaan
2daasi xarumood ay wax ka baranayaan 120 qof oo isugu jira
qaybahaasi.
Labadan xarumood ayaa waxaa kaloo dhismo ahaan ka mid ah gidaar
dhagax ah oo ku wareegsan iyo qaybihii kale oo dhismayaashaasi ku
dhaqankooda lagamamaarmaanka ah.
Labadan mashruuc oo waxbarasho oo ay hirgelintooda Hay.adda SCDO
ay gacan ka siisayHa,adda ADRA Dhaqaalaha ku baxayna ay bixisay
Dowladda Noorway ayaa waxaa furitaankiisi waxaa hadallo ka
jeediyeen Masuuliyiinka tirsan Hay,adda SCDO oo kala ah
Xiriiriyaha Guud ee SCDO Mudane
Maxamed Cabdi Kaamil oo furay Mashruuca laga hirgeliyay Degmada
Wisil ee Gobolka Hobyo halka Mashruuca Gaalkacyana uu furayn
Agaasimaha SCDO ee Soomaaliya Mudane Mursal Xaashi Shirwac.
Masuuliyiintaan oo ay furitaankaan ay kala qayb galeen masuuliyiin
kale oo ka tirsan Hay.adda SCDO oo ay ka mid yihiin Khaliif Cabdi
Dhalac ,Ubax Yabaroow Shareey iyo Shariif Maxamuud Kaynaan Ayaa
hadallo ay ka jeediyeen xafladahaasi waxaa ay ka warameen doorka
ay horumarinta dadka deegaannada Dowlad goboleedka Gal -Mudug ay
ka qaadanayaan mashaariicdaasi iyo ujeeddooyinka laga leeyahay oo
ah in dadka deegaannadaasi loogu fidiyo markii ugu horraysay
waxbarasho lacag la,aan ah iyadoo marka laga cirib tiro wax akhris
qoris la,aanta ka dibna loogu talo galay in la baro xirfado
waxbarasho oo ay ka mid yihiin fuundinimada,korontada,Cubuutan
ka,Farayaamo Iyo qaybaha laysku yiraahdo dumaystikada..
Wisil.org
Gaalkacyo-Mudug State
|