|
Warbixin dheer
oo ku saabsan Waxbarashada koonfurta Mudug
Aqoontu waa Iftiin iyo Ogaal
lagu yeesho awaad ballaaran oo Aadamuhu uu ku gaadho Horumar iyo
Aayatiin Wanaagsan oo uu uga baxo Mugdiga, Aragti-oodnaanta iyo
Diciifnimada Jahliga . Sidoo kale Aqoontu waa Hub Cariya oo lagula
diriro loogana adkaado Dhammaan Cadawyada Banii'Aadamka oo ay ka
midka yihiin Jahliga, Cudurrada, Fakhrga, Gumaysiga IWM. Iyadoo
Aqoon la'aanteed aysan Suura-gal ahayn inay Gumeys ka xorowdo Ummadi,
Gobnnimadeeda ay hanato.

Fakhriga asiiba Banii'Aadamka.
"Jahligu waa turxaamaha
Fakhriga, Kan ugu taag-roone
Ma tigaado Ruuxii aan baran,
Agab Tacliimeede
Waa toobalcaaraysi iyo, Tuugsi
Dhaxalkiisu!!!!!".
Ummadaha kala duwan ee ku dhaqan
Dacallada Adduunku waxa ay u kala horumaraan hadba sida ay ugu kala
horreeyaan Wax-barashada. Dalkeenna Soomaaliya waxa uu ka mid yahay
waddamada Loo yaqaanno Dunida Saddexaad ee Dadyowga ku nool muddo
dheer ay la soo daalaa-dhacayeen Masiibooyin waaweyn oo ay ka mid
yihiin Qab-yaalad, Musuq-maasuq, Dagaallo-Sokeeye, Cudurro, Abaaro,
Daadad iyo Dufaanno IWM. Masiibooyinkaas oo iskugu jira Kuwa RABBAANI
ah iyo Qaar ay Dad sameeyeen, ayaa kuwa Dad-sameega ah waxaa loo
tiriyaa inay Aqoon-Darradu sabab u tahay.
Haddaba, Dadka Soomaaliyeed,
oo inta badan Reer Guraa ah ayaa waxaa ku yar Wax-Akhrinta iyo Wax-Qorsta.
taasina waxay ku tusaysaa sida weyn ee Bulshadeennu ay Saboolka
uga tahay Xagga Aqoonta . Haddii Shacabkeennu uu ahaan lahaa Mid
guud ahaan heerkiisa Aqooneed uu ka sarrayso sida uu muddada dheer
soo ahaa, uma aysan kala qoqobnaadeen Dagaal-oogayaal Jaahiliin
ah oo Naxariis-daran., 15 Sannadoodna Dalkeenna Xalkiisu ma cakirnaadeen.
waxaana Naga soo dhex-bixi-lahaa, Haddaan Nahay Soomaali , Halyeeyo
Aqoon-yahanno ah oo Dalkeenna ku hoggaamiya Sidan Si Dhaanta. Waayo
Ardaygu waa Hoggaamyaha Mustaqbalka ee Dalkiisa u horseeda Baraare
.
Taas macneheeda ulama jeedo inaysan
Soomaaliya Lahayn Aqoon-yahanno ka aflaxay laamaha kala duwan ee
Cilmiga. way jiraan Aqoon-yahanno Somaaliyeed oo fara-badan oo ku
takhasusay Qaybaha kala gaddisan ee Cilmiga, DIINI iyo Maaddiba.
Laakiin waxaa ka baaxad weyn Baahida Aqooneed ee Bulshadeenna haysata
iyo duruufaha Qallafsan ee Dalkeennu uu soo maray. Duruufahaasoo
gayeysiiyay Aqoonyahannadii Soomaaliyeed inay Dalka Lafahooda ugala
cararaan una huleelaan waddammo Shisheeye si ay uga fakadaan Dagaallada
Sokeeye ee Dalkeena kahlcayay ee ay Jaahlintu hurunayeen!. waxaan
soo xusuustay Maahmaahdii Soomaaliyeed ee Murtida badnayd ee oranaysay:
"Nin aan Talin-jirin Hadduu Taliyo, Nin aan Tagi-jirin baa
Taga. Nin aan Qaybin-jirin Hadduu Qaybiyana Nin aan Qadi-jirin baa
Qada!!!!.
Haddaba, Iyadoo, Guud ahaan,
Dalkeenna Soomaaliya ay soo mareen amaba ay illaa iyo hadda ka jiraan
Dhibaatooyinka waaweyn ee xagga Aqoon-darrada ah ee aan kor soo
xusnay, ayay haddana Gobollada iyo Degmooyinka Dalku ku sii kala
daran yihiin dhibaatooyinkaas. Tusaale ahaan Gobolkan Mudug, oo
Dagaalladii dhex-maray beelaha Somaaliyeed ee wada gada ay u kala
qaybiyeen labo dhinac, ayaa waxaa la oran karaa waa Gobol ay soo
gaareen dib-u-dhacyo waaweyn oo xagga wax-barashada ah . Kuwaasoo
uu uga duwanyahay Gobollo badan oo Dalkeenna ka mid ah.

Dhibaatooyinka u gaarka ah Gobolkan
Mudug waxaa ugu weyn kala qaybsanaanta khilaafka ku dhisan ee Gobolku
uu ugu kala qaybsanyahay Koonfur iyo Woqooyi. taasoo saammayn daran
ku reebtay dhinaca wax-barashada Bulshada ku kala dhaqan labadaas
qaybood ee Gobolka Mudug, oo hadda kala ah Galmudug iyo Puntland.
Waxayna xaqiiqdu tahay in Woqooyiga
Gobolka Mudug uu xagga Wax-barashada uga horreeyo Koonfurta Gobolka
Mudug. Waayo, Woqooyiga Gobolka Mudug Tan iyo markiila aas-aasay
Dawlad-Goboleedka Puntland,1998-dii, waxaa ka jiray mashaariic waaweyn
oo lagu horumarinayo wax-barashada Deegaannadeeda oo ay ka mid tahay
Woqoyiga Mudug, oo ay ka jiraan wax-barasho gaarsiisan Heer Dugsi
Sare.waxaa kaloo xusid mudan inay dhinaca Woqooyiga Gobolka Mudug
Laakiin, Nasiib-darro, koonfurta
Gobolka Mudug iyo Deegaannada Woqoyiga Gobolka Galguduud. oo la
isku yiraahdo haatan GALMUDUG STATE. kama aysan jirin wax maammul
iyo kala dambayn ah, Wixii ka horreeyay dhismihii Dawlad-Goboleedka
GALMUDUG, Bishii Ogos, 2006. waxayna ka dhalatay Galmudug Dadaallo
Hagar-la'aaneed oo ay wadeen Aqoonyahannadii Reer Galmudug ee ka
soo guryo-noqday Dibadaha ee ka dhiidhiyay Dib-u-dhaca ballaaran
ee Jahliga kaashanayay ee ku habsaday Dalkii iyo Deegaannadii ay
u dhasheen.Aqoon-yahannadaas Jaaliyadaha Dibadda, ayaa waxaa hoggaaminayay
Mid ka Mid Macallimintii Hore ee Dugsiyada Sare ee Soomaaliya Prof.C/QAADDIR
Max,ed Shirwac, oo Haatan ah Wasiirka Wax-barashada ee Dawlad-Goboleedka
Galmudug. Waxaa kaloo ka mid ahaa Aqoon-yahannnaaas Dr.Cumar Salaad
Cilmi, oo ah Siyaasi aad looga Yaqaanno Dalka Soomaaliya. Isla markaana
xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladdii hore ee Soomaaliya .
Maammul-la'aantaas iyo Dayacaas
muddada dheer ay ku raagtay Bulshada Reer GALMUDUG, oo ay sabab
u ahayd khilaaf Siyaasadeed oo u dhexeeyay Qab-bablayaasha u dhashay
Deegaannadaas, oo Iyaga Masuuliyadda ay ku leeyihiin Dib-u-dhacaas
wax badan laga wayddiin doono, goor ay ahaataba, ayaa Dhinacyo badan
oo ay Wax-barashadu ka mid tahay, waxa uu go'doon ka galisay Deegaamnnada
Ballaaraen ee Galmudug. Mana aysan jirin Wakhtiga intaas la eg wax
Hay'ad ah oo Caalami ah oo ka kaalmeeyay Dadka Reer Galmudug Dhinaca
Horumarinta Wax-barashada.
Waxaase xusid mudan inay jiraan
Ururro iyo Shakhsiyaad Waddani ah oo ka hir-galiyay Deegaannada
GALMUDUG Mashaariic Wax-barasho oo Heer Dugsiyo H/Dhexe ah. waxaana
Maanta ka jira Koonfurta Magaalada Gaal-kacyo, Degmooyin iyo Tuulooyin
kale oo ka tirsan Galmudug illaa Labaatameeye H/Dhexe, oo Qaarkoodna
ay Hadda ay shaqeeyaan, Qaarna ay u xira yihiin Duruufo Gaar ah
oo jira. waxaa ugu caansan Ururrada Waddaniga ah ee ku hawllan wax-barashada
Dugsiyad H/Dhexe ee aan kor ku soo xusna oo ay aas-aaseen Muddo
hore Aqoonyahanno ka tirsan Jaaliyadaha Dibadda ee u dhashay Deegaannada
Galmudug. DAR-YEEL wuxuu maammulaa Dugsiyo ay ka mid yihiin Dugsiga
C/LAAHI CIISE iyo Dugsiga Ceel-guula, oo ah Labada Dugsi oo ugu
Ardada Badan Dugsiyada H/Dhexe Galmudug.
Ayaan-darro, Dugsiyada H/Dhexe
ee u xiran sababo kala duwan, ayaa Waxaa ka mid ah;
1-Dugsiga H/Dhexe ee Magaalada
Hobyo.
2-Dugsi H/Dhexe ee ee labaad
ee Degmada Wisil.
3-DugsigiiH/Dhexe ee Degmada
Af-Barwaaqo.
4-Dugsigii H/Dhexe ee Tuulada
Dhuurre.
5-Dugsigii H/Dhexe ee Tuulada
War-galo.
6-Dugsigii HDexe ee Tuulada Docol.
7-Dugsigii H/Dhexe ee Tuulada
Dagaari.
8-Dugsigii H/Dhexe ee Tuulada
Saddex-Higlo.
9-Dugsigii H/Dhexe ee Degmada
Ban-diiradley iyo.
10- Dugsigii H/Dhexe ee Degmada
Galliin-soor.
Dugsiyada H/Dhexe ee Hadda ka
shaqeeya Deegaannada Galmudug ayaa waxay kala yihiin Kuwan Hoos
ku qaran;
1-Dugsiga H/Dhexe ee C/LAAHI CIISE oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.
2-Dugsiga H/Dhexe ee AL-BEDER
oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.
3-Dugsiga H/Dhexe ee IMAAMU NAWAWI
ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.
4-Dugsiga H/Dhexe ee HAWEENKA
ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.
5-Dugsiga H/Dhexe ee CEEL-GUULA
ee ku yaalla Degmada Ceelguula .
6-Dugsiga H/Dhexe ee BITAALE
ee ku yaalla Tuulada Bitaale.
7-Dugsiga H/Dhexe ee WISIL ee
ku yaalla Degmada Wisil .
8-Dugsiga H/Dhexe ee BUDBUD ee
ku yaalla Tuulada Budbud iyo.
9-Dugsiga H/Dexe ee XIN-GOD ee
ku yaalla Tuulada Xin-god.
Waxaa gobolka mudug ku soo biiray
dugsiyo sare oo kala ah.
1.Dugsiga sare MUDUG
2.Dugsiga sare Syl
3.Dugsiga sare Al-Shacab
waxaa gobolka mudug gaar ahaan
dowlad goboledka galmudug stare ku soo biiray waxbarasho heerar
kala duwan leh taasoo looga bixi karo xiliyadii horey wixii ka jiri
jiray oo aan is oran karno in laga soo kabtay waqtiyadaan xaadirka
ah ,taasoo sababteedu ay leedahay dadkii oo taageeray hormarka xaga
waxbarashada hadaba.
Dugsiga H/Dhexe ee AL-BEDER,
oo ay maammusho Jimciyada Hormarinta Waxbarashada oo uu guddoomiye
u yahay Sheekh Muxyaddiin Sheekh Yuusuf Barre-Gurey, waxaa la aas-aasay
20/12/2000. Waana Dugsi aysan cidina taakulayn oo ku hawl-galaa
waxoogaa Lacag ah oo laga qaado intii heli karta Ardada dhigata
Bishii 80,000 oo Shilin Soomaali ah. Iyadoo Ardada Danyartaa ee
aan heli karin Lacagtaasna loo cafiyo oo ay ku dhigtaan Lacag-la'aan,
Sh. Yuusuf Barre , oo ah Maammmulaha Iskoolka AL-BEDER, kana mid
ah Macallimiinta wax ka dhiga Dugsigaas. Wuxuuna intaas ku daray
Sh. Muxyaddiin in dhaqaalaha yar ee laga qaado Ardada lagu dabbaro
Kirada Guriga uu iskoolka ku jiro, Nolol-Maalmeedka Macallimiinta
Dugsiga wax ka dhiga, oo tiradoodu ay tahay illaa Lix macallin iyo
labo shaqaale kale ah oo ka hawl-gala Dugsiga AL-BEDER. Dugsiga
wuxuu ku jiraa guryo kiro ah oo ka kooban Hal Xafiis iyo 6 qol oo
Midkood uu yahay Balbalo. Balbaladu waa Fasal ka mid ah Fasallada
ardaydu wax ku barato. Ayagoo u adkaysta Roobka, Dabeylaha iyo Cadceedda.
Taasina waxay ku tusaynsaa sida Dugsiga H/Dhexe ee AL-BEDER ugu
baahanyahay in laga Taakuleeyo Baahida muuqata ee ka jirta. waxaana
jirta in Dugsiga H/Dhexe ee AL-BEDER loo gaday dhul bannaan oo cabbirkiisu
yahay 40X50 mitir .
Haddaan ka hadlalno Wax qabadka
Dugsiga H/Dhexe ee AL-BEDER Muddadii Lixda Sano ahayd ee uu shaqeynayay,
|
Sanad dugsiyeedkii |
Tirada Ardayda Dhiganeysay
Al Bader |
|
2000 . 2001 |
90 arday |
|
2001 / 2002 |
110 arday |
|
2002 / 2003 |
130 arday |
|
2003 / 2004 |
140 arday |
|
2004 / 2005 |
150 arday |
|
2005 / 2006 |
150 arday |
|
2006 / 2007 |
160 arday |
Saannadkii 1-aad ee u horreeyey
waxay aheyd Ardayda dhiganeysay 90 Arday. Sannadkii 2-aad ee 2001/2002
waxay ahaayeen Ardada dhiganaysay 110 Arday. Sannadkii 3-aad ee
2002/2003 waxaa dhiganaysay 130 Arday. Sannadkii 4-aad ee 2003/2004
waxaay dhammaayeen Ardada dhiganaysay140 Arday . Sannadkii 5-aad
ee 2004/2005 waxay Ardadiisu ahaayeen 150 Arday.Sannadkii 6-aad
ee 2005/2006 Ardayda dhiganeysay waxay tiradoodu gaaraysay 150 Arday.
Halka ay Sannad-Dugsiyeedkan 2006/2007 ay dhiganayaan 160 Arday.

Maamulaha Dugsiga Albader
Ugu Dambayntii Maammul Dugsiga
H/Dhexe ee ALBEDR ee Magaalada Gaalkacyo waxay ka codsanayaan Dadka
u dhashay Deegaannada GALMUDUG , Gaar ahaan Jaaliyadaha Dibadda,
inay ka gacan siiyaan Baahida Ballaaran ee haysta Dugsiga H/Dhexe
ee AL-BEDER. Waxayna si Gaar ah u codsanayaan Saddexdan Arrimood
ee ugu daran. waxayna kala yihiin Kuwan Hoos ku qoran:
1-mushaharka macalimiinta.
2-dhismaha dhulkaas bannaan ee
leeyahay si looga maarmo guriga kirada ah.
3-dhismaha dugsi sare oo aan
heli karno dhulkiisa oo bannaan.
Wisil.org
Gaalkacyo-Mudug State |