|
Xaflad
lagu Furayay Dugsiga H/Dhexe AL.Amaan Docol Oo Lagu Qabtay Xarunta
Dugsigaasi Magaalada Docol Ee Dawlad Goboleedka Galmudug State.
Xaflad si heer
sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen bolaal Dadweyne ah
iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casumay xafladda, culimo udiin,
Dhalinyaro ayaa lagu qabtay xarunta iskuulka Hoose Dhexe AL.Amaan
Docol ee degmada Docol oo ka tirsan deegaanada dawlad goboleedka
Galmudug state
Masuuliyiinta ka kala socotay jaaliydda dibada ururka (taakulo) oo ah
ururka iskuulka dhanka waxbarshada ka taakulaynaya culimo’udiinka
odayaasha,ayaa ugu horayntiii kormeer ku soo kala bixiyay qaybaha uu ka
kooban yahay iskuulka ee fasalada iyo aygoona su’aalo dhanka waxbarshada
ah ardayda ay maclimiintu waydiinayeen
.Munaasabaddan oo
xariga looga jarayay iskuulkaasi ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay
maamulaha iskuulka Maclin Saciid cali cumar {carbeeto}oo sharaxaad ka
bixiyay hawsha iskuulka oo uu sheegay in mudo uu iskuulku ahaa mid aysan
waxbarsho wanagsani ka socon oo uu marna xirnaa marna shaqaynayay
intaasi uu tabrucaad arday aan badnayn ay wax ku barnayeen balse
xiligaan ay muuqato in arintaasi ay xil iska saareen qaar ka tirsan
masu’uliyiinta u dhalatay deegaanda galmudug ee jaaliyadda dibadda ka
timid oo iskuulka si rasmi ah waxbarshadiisa u furay.
waxa uuna
macalin saciid carabeeto sheegay in laba fasal ay iminka u diyaar yihin
agbkii waxbarshada inkasta oo ay ciriiri ku yihiin kuraasta ay radaydu
hada wax ku barnayaan maamulha yaa intaasi ku daray in ardayda iminka
liiska ku jirta ee u diyarka ah in ay wax ka brtaan iskuulka docol ay
aad u farabadn yihiin.
Sheekh cali jaamac yare ayaa sina munaasabdda ka
soo jeediayay wacdi diini ah oo aad u qiimo badnaa sidoo kale uu
waxbarshada uga hadlyay midda diinig ah iyo tan maadiga ahba.
Waxaa
munaasabadaasi ka hadlay suldaan C/laahi Max’d ducaale {fayf} oo umahad
celiyay intii ka soo shaqaysay dadaalka dheerna ugashay in iskuulka
deeganka docol oo mudo waxbarsho i aysan ka socon ay dib u hawl galiyaan
qaybaha bulshada ee deegaanka docolna waxa uu suldaan fayf ugu baaqay in
ay ka faaidaystaan fursadaan gurigooda ugu timid ee ay walaalohood u
keeneen ayna la hsaqeeyaan maamulka iyo macalimiint iskuulka.
Munasabada
furitanka iskuulka deeganka docol ayaa waxaa isna ka ahdlay cumar
maxam’ud rooblle {Cumar Suuri} oo ka mid ah jaaliyadda dibda ee danka
wax barshada iyo in iskuulka la furo abaabulkeedba lahaa waxaan xusid
mudan in cuamr suuri uu yahay ninka dadaalka ugu badan ugalay
iskuulkaasi waxa uuna munaasabada ka sheegay in siskuulku uu hada waxii
kadanbeeya furan yahay hadii ay yihiin jaaliyada dibadana ay hawshaasi
xooga saaryaan waalidiintna waxa uu kacodsaday in ay wax barshada
ilmahooda ukeenaan iskuulka .
Waxana ugu
danbayn munaasabadda ka hadlay cabul cali gaas {wadaad yare} oo
jaaliydda dibda ka mid ah kana mid ah ururka TAAKULO ee waxbarshada
iskuulka gacanta ka gaysanaya waxa uuna wadaad yare ka hadaly wax
barshada iyo muhiimadda ay u leedahay qaybaha kala duwan ee bulshada
walba oo deegaa ku nool iyo sida loogu baahan yahay in fursadahaan laga
faaidaysto Waxaana Munaasabadda furitaanka iskuulk hoose dhexe ee
magaciisu yahay AL.Amaan Docol ay ku soo gaba gabawday jawi aad u
wanaagsan.
(Ka qeyb
qaado hormarinta waxbarashadda deeganada galmudug meel walba aad ku
sugan tahay...)
|